X

Galmudug oo hadda dooratey madaxweyne cusub

Galmudug ayaa dooratey madaxweyne cusub. Doorashada Axmed Baasto ayaa imaanaysa ayadoo marar badan xilka laga tuurey horjooge Xaaf oo isagu ku mashquuley shirar uu la qaato ajaanib joogta Nayroobi.


Shir uu gudoominaayay gudoomiyaha barlamaanka Galmudug Cali Casir ayaa aad loo soo camiray. Doorashadda Maanta ka dhacday Cadaado ayaa waxaa ku tartamaayay labadda Musharax ee kala ah.
1. Axmed Maxamuud Xasan Baasto ayaa helay 52
2. Cabdixakiin Cali Guure ayaa helay 8 Cod.

Axmed Baasto ayaa horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug, waana shaqsi si weyn looga yaqaaano gobolka Mudug.


Xildhibaanada Galmudug ayaa labo u kala qeybsan inkastoo xildhibaanada maanta doortey Axmed Baasto ay yihiin kuwii ugu badnaa. Dadka badankiisa ayaa qaba in maamulkan la kala diro dibna loo soo doorto mid shaqayn kara.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.