Maamulka Galmudug ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay Maxaabiis ay sheegeen inay ku qabteen Dagaalkii Cuslaa ee Shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. Galmudug ayaa sheegay in sedax Askari oo ay soo bandigtay ay ka tirsanaayeen Ciidamada Maamulka Jubbaland ayna ka barbar dagaalamayeen Maamulka Puntland.
Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay Puntland ama Jubbaland oo ku aadan Jiritaanka Maxaabiistan ay Galmudug Sheegtay inay qabatay, ayna Saxaafada u soo bandhigtay. Qaar ka mid ah Maxaabiista ay Galmudug soo bandhigtay oo warbaahinta la hadlay ayaa Fariin u diray Maamulka Jubbaland, Codadka Goordhow ayaan idiin soo gudbin doontaa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS