X

Gantaal ka khatartsan kii hore oo Woqooyiga Kuuriya tijaabisey gaarayana Maraykanka

Gantaal ka khatartsan kii hore ayaa Woqooyiga Kuuriya tijaabisey gaarayana Maraykanka. Gantaalkan ayaa duuley ilaa 45 daqiiqo wuxuuna ku dhacay qaybta dhaqaalaha ee badda Jabaan. Kuuriyada Koofureed ayaa shir deg dega ka gashay gantaalkan xilliga dambe la ganay.



WAxa gantaalkan ka qayliyay Maraykanka iyo Jabaan halka wadamada Ruushka iuyo Shiinaha ayna dhib ku hayn. Gantaalkan ayaa ka dheereeya kii hore oo tilmaamaysa in caasimada Maraykanka uu dul saran yahay.



Maraykanka ayaa sheegay in ay welli baarayaan nooca gantaal ee Kuuriyada Woqooyi gantey io ilaa halka uu gaari karto. Maraykanka ayaa hore u sheegay in gantaalkii hore garaaci karo inta badan magaalooyinka Maraykan.

Kuuriyada Woqooyi ayaan iyadu welli wax wara ka soo saarin nooca gantaal ee ay ridey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.