X

Gantaalada Xamaas oo xirey hawada Yuhuuda iyo ugaarsi ay ku bilowday Falastiinta

Waxa aad u sii kordhay Yuhuuda ugaarsi ku wada Falastiinta dhex degan ee ay dhulkoodii ka boobeen haddana ku noqotey dad laga tiro badan yahay. Falastiintan ayay hadda bilaabeen inay guryaha ugu dhacaan.


Gaadhi nin Caraba watey ayaa lagala degay kadib si xun loo garaacay wuxuu ku sigtey keliya inaanu dhiman.Yuhuudiga xagjirka ee Natanyahu ee dawlad la’aantu hadda haysato ayaa ku hanjabay inuu sii weeraro Falastiinta.

”Hadda arintu way nagu xuntahay waxana dagaalku ka dhex qarxay isla Falastiintii aan dhex deganayn ayuu yiri xagjir Natanyahu. Ururka Xisbulah ayaa ka aamusan  arinta ka socota Qaasa.


Xamaas ayaa ku soo daysay gantaaladii ugu badnaa abid, ayadoo gebi ahaanba xirtey hawadii dalkaas oo hadda ayna diyaarad duuli karin.

Gantaalaha Xamaas ayaa gubey keydka saliida ee Yuhuuda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.