Ku xigeenkii xisbiga WAdani Axmed Muumin Seed ayaa baryashanba raadinayay cid qaabisha oo uu ku biiriyo codkiisa sidii looga guulaystey musharaxnimada xisbiga Wadani.
Warar ayaa sheegaya in uu Faysal Waraabe oo cidla taagan uu ku darsan doono taageerada uu ka haysto beeshiisa Awdal.
Qadadan ayaa Faysal Waraabe ku rabaa cid uu la go’o maadaama uu cidla taagan yahay.
Dadka indha indheeya siyaasada qabyaaladeysan ayaa qaba in Axmed Muumin Seed saaxada ka baxaya hadii uu ku xigeen u noqdo Faysal Waraabe oo ah siyaasi fashilmey oo xataa beeshiisu noacday oo uu ku adkaysto Wadani kana helo boos u qalma inta ay goori goortahay.
Waxase wararku sheegayaan in uu rabo in uu Faysal Waraabe u noqdo ku xigeen.
Siyaasada Jufeysan ee Somaliland ayaa maraysa meel xun waxana burburiyay xisbiga UCID.
Hoos ka daawo Axmed Muumin Seed oo isna goobta hadal ka jeediyay
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS