Waxa hadda la cadeeyay in garabkii diyaaradeed ee laga helay badda Hindiya uu noqdey kii diyaaradii Malaysiya ee la waayay jaan iyo cirib Kuna nafwaayeen in ka badan laba boqol oo qof waxa sidaa cadeeyay baaritaan lagu sameeyay garabkaas oo loo qaaday dalkaasi Faransiiska.
Waa markii ugu horeysay ee la helo raqda diyaaradaas tan intii ay ka baxdey hawada dalkaasi Malaysiya ayna gashay hawo aan loogu talogalay kana baxdey jidkeedii.
Raiisal wasaaraha Malaysiya Najiib Rasaaq oo la Hadley saxaafada ayaa ka waramay dhibka ay gaareen qoysaska ay dadkoodii Ku dhinteen diyaaradaasi.
Talaabada ugu muhiimsan ayaa hadda ah in goobtaasi dib loogu soo noqdo Lana raactago halka saxda ah ee ay ku dhacdey diyaaradani.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM