X

Garbahaaray oo wadada u furtey abaalmarinta kuwa kufsiga iyo dilka gaysta

Maxkamad ku taal degmada Garbahaaray ee gobolka Gedo ayaa wadada u furtey kuwa dilka iyo kufsiga caado ka dhigta ayadoo saaka ku fuliyay dil toogasho ah nin kufsaday kadibna diley gabadh yar.


Ninka Xukunka dilka ah lagu fuliyey oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Cali Xaamud ayaa da’diisa lagu sheegay 32 Jir, waxaana maalmo ka hor lagu xukumay dil toogasho, islamarkaana Maanta oo Salaaso ah lagu fuliyey.


Dilkan toogasho ayaa imaanaya ayadoo welli ay Caasho Aadan Ilyaas sugeyso inay cadaalad hesho. Abaalmarintan ayaa waxa aad u soo dhaweeyay dadka degmada ayadoo gabadhaasi heshay cadaalada ay mudan tahay.

Guddoomiyaha Maxkamada degmada Garbahaareey ayaa horay u sheegay in nin kaasi falka kufsiga ah uu qirtay sidaasna ay xukunka dilka ah ugu fuliyeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.