X

Garoon loogu magacdaray shahiid C/raxmaan Yariisow

Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa garoon ugu magacdaray gudooyihii hore ee magaalada Muqdisho C/raxmaan Yariisdow oo ku shahiidey xasuuqii argagixisada.


Kulan loogu duceynayo Allaha u naxariistee Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow oo ay ka qaybgaleen madaxda dalka oo dhan ayaa lagu qabtey garoonka kubadda cagta ee Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xasuusan doonto geesinimadii Yariisow ee Adeegga bulshadda.


“Waxaan ugu magacdarnay C/raxmaan Yariisow Garoonkan Kubadda Cagta, naftiisa ayuu u huray dalka, qofka kasta oo Halyey ah oo dalkaan wax ku kordhiya sidaas ayaa u xasuusaneynaa” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.