Wararka ka imaanaya garoonka Kaabuul ee hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada Maraykanka ayaa la sheegay in meydad dusha uga yimaadeen. Kumanaan reer Afqaani ah oo ka ordayay dhiigmiiratada Taalibaan ayaa buux dhaafiyay garoonka.
Magaalada ayaa gebi ahaanba uu istaagay dhaqdhaqaaqi ganacsi waxana Ka socda Kala yaac aan hore loo arkin. Argagixisada Taalibaan ayaan waxba ka qaban dadkan ka yaacaya.
“Waxaa dusha ka soo dhacay meydad loo malaynayo inay ahaayeen dad Ku dhegay taayirada diyaarada ayuu yiri goobjoog arkay waxa soo dhacaya.
Maadaama dadka garoonka joogaa ay xad dhaafeen ma jirto cid baadhis ku samaynaysa waxa soo dhacay ayuu raaciyay goobjooge.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS