X

Garoonka Muqdisho oo markii ugu horeysay diyaarad rakaab ah ka duushey xalay

Garoonka Muqdisho ayaa markii ugu horeysay diyaarad rakaab ah ka duushey xalay. Diyaaradan oo uu sii raacay Dr C/raxmaan Bayle uuna sii dhaweeyay wasiirka duulista Maxamed Oomaar.



Koofurta dalka siiba caasimada ayaa horumarku ka socdaa soo celinta diyaaradaha habeenkii duulana waxay u tahay guusha la gaaray khaasatan sanadka uu xilka hayay madaxweyne Farmaajo.



”Waxaan aad u faraxsanahay inaan habeen ka duulo garoonka diyaaradaha ee dalka ugu weyn ee Muqdisho ayuu yiri Dr C/raxmaan Bayle”.

Waxaad arkeysaan in xili habeen ah Garoonka ay diyaarad ka duushay waliba mid rakaab ah runtii waa arin ku dayasho mudan oo loo baahnaa waxan ku dhiirigelinayaa in shirkadaha diyaaradaha ay ka qaybgalaan duulimaadyada habeenka.



 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.