X

Garsooreyaal Somaliyeed oo dhexdhexaadiyay mid ka mida ciyaaraha Afrika

Garsooreyaal Somaliyeed ayaa ciyaar caalami ah ku dhexdhexaadiyay dalkaasi Koofur Suudaan. Koobka Afrika ayaa sanadkaan lagu qabanayaa dalkaasi Masar kadib laga xayuubiyay Kamaruun oo welli garoomadu qabyo ka yihiin iyo joogitaanka argagixisada kooxda gaalaynta ee Boko Xaraam.


Garsoorayaasha waxa ay kala ahaayeen Cumar Cabdiqaadir Cartan, Axmed Cabdullahi Faraax Baroodo, Mahad Maxamed Maxamuud iyo Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali).


Garsooreyaasha ayaa magaalada Jubba ee Koofur Suudaan ku dhex dhexaadiyay xulalka Koofur Suudaan iyo Tunisiya. Ciyaartaas ayaa ku dhamaatey 0-0.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.