X

Geerida raiisal wasaarihii hore ee Somaliya oo la xaqiijay

Waxa magaalada London ku geeriyooday raiisal wasaarihii hore ee Somaliya Nuur Xasan Nuurcade oo la sheegay inuu ku dhacay xanuunka Kooro. Waxana xaaladiisa lagula tacaalayay isbitaal ku yaala London oo loogu talogalay dadka uu soo rito Kooro.


Ingiriiska ayaa la tacaalaya xanuunka Kooro ayagoo sheegay inay ku yaryihiin qalabka ogsajiinta iyo guud ahaan qalabada caafimaadka ee u gaarka ah cudurkan Kooro.

Ilaah ha u naxariistee Nuur Cadde ayaa soo noqdey Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya intii u dhaxaysay 2007-dii ilaa 2009-kii, waxaana mudadii uu Ra’isul Wasaaraha ahaa lagu xasuustaa inuu ka dhaadhiciyay beeshiisa inay nabada ilaaliyaan maadaama ay dan u tahay iyaga oo ku nool qayb ahaan Muqdisho iyo hareeraheeda.


Nuur cadde ayaa lagu aasi doonaa London maadaama aan loo qaadi karin Muqdisho xanuunka uu u dhintey awgeed oo u baahan in takoorid lagu aaso. Nuur cadde ayaa da’diisa lagu qiyaasay 83 jir waxana xaqiijay geeridiisa wiilkiisa Maxamed Nuur Cade.

Madaxweynaha Somaliya Farmaajo iyo raiisal wasaaraha Xasan Cali ayaa tacsi u direy qaranka kuna baaqay barooor diiq qaran.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.