X

Giriiga oo la siiyay ilaa Sabtida in uu la yimaado qorshe daymeed cusub oo ka duwan kii hore laysku diidey

Giriiga ayaa la siiyay ilaa Sabtida soo socota in uu la yimaado qorshe cusub oo lagu siiyo dayn cusub maadaama qorshihii hore ee amarka ay ku bixinayeen daynbixiyeyaashu ay diideen shacabka Giriigu. Yurub ayaa ka baqaysa in Giriigu kaco taasina ay keento in Giriigu samaysto lacagtiisa dibna xor u noqdo inkastoo aan la garanayn in Yurub oo dhan laga saari doono.

Waxase cad in si cad Giriiga loogu hanjabayo Giriiguna aanu dheg u dhigeyn lagana yaabo in uu la yimaado shuruudo cusub oo ka duwan kuwii hore. Giriiga dad badan ayaa diidan in ay ka baxaan xayndaabka Yurub oo u ah meel ay cararaan haddii sidan oo kale dhacdo.

Jarmalka iyo wadamada kale ayaa qaba in Giriigu aanu rabin in uu bixiyo lacagta taas oo keenaysa in qorshe cusub aanu jirin.

Dhinaca kale Giriiga ayaa isna xagiisa raba in dayntan laga daayo sidii looga daayay wadamo badan oo kacay sida Jarmalka dagaalkii labaad ee aduunka.

Lacagta ribada ee dalku bixinayo siinayana wadamada dheregsan ayaa ka badan inta lagu leeyahay taas oo noqonaysa in Giriigu sanado badan bixiyo lacagtaas halkii uu dadkiisa u dhisi lahaa dugsiyo iyo wadooyin.

Gariirka wadamada daynta leh ayaa sii kordhaya iyagoo rabay in ay ku dhiftaan ribada ka soo noqonaysa ee aan loo danaynay dal kacaya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.