X

Giriiga oo Turkiga ku eedeeyay inuu fudeydinayo tahriibka Somalida

Giriiga oo ay aad isku hayaan Turkiga ayaa eedayntoodu soo gashay Somalida Turkiga u timaada siyaabo kala duwan ha ahaato waxbarasho, caafimaad ama dalxiisbee. ”Wuxuu bixiyaa dal-kugalo tahriiba wuxuuna ka bixiyaa xarun waxbarsasho iyo jaamacad ku taal Muqdisho.


”Markay Turkiga soo galaan waxa la saaraa gaadhi waxana la geeyaa goob lagu hayo ilaa xeebta Turkigu firaaqo noqonayso kadibna waa lagu soo daadiyaa ayuu yiri wasiirka soo galootiga ee Giriiga.

Wasiirka ma soo bandhigin cadeymo ah in Turkigu bixiyo dal-kugalo tahriiba, wuxuuse sheegay in nidaamkaas ay Turkiga ku yimaadan ilaa 300 oo Somali ah.


”Waxaan ognahay Somaliya in masuuliyiinta Turkiga, wasaarada waxbarashada iyo wasaaradaha kale ay dhiirigelinayaan imaanshaha Turkiga si tahriib ahaana ayuu raaciyay. Waxay dal-kugalka ku helaan waraaqo ay bixiyeen hay’adaha Turkiga ee ka dhisan Muqdisho.

Markaa Somalidu waxay ku soo galayaan Turkiga si sharciya ayagoo og inay uga soo gudbayaan Guriiga iyo Yurubta, waxaan fududeynaya Turkiga sida ay noo sheegeen Somali la qabtey ayuu yiri wasiirka.

Waxa wasiirku intaas raaciyay in cadaymahan ay ka heleen doon degtay bishan horaanteedii oo ay ku dhinteen laba dumara, taas oo maraakiibta Turkigu u soo gurman.


Si kastaba ha ahaatee wasiirka ayaan keenin wax cadaymo waxayna u egtahay in xiriirka xumaadey ee labada iyo qaxootiga ku jabaya Giriiga uu qiil u raadinayo.

Turkiga ayaa sheegay in qaxootiga ku soo yaacaya Yurub ay ugu wacan tahay kadib markii Yurub ku eegtay qaxootiga Siitriyiinta iyo kuwa kale ee jooga dalkooda, kadibna ay fasaxdey xadka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.