X

Gobol ka mida Somaliya oo maanta laga soomin

Ayadoo aduunka Muslimka ah ay maanta bilow u tahay bisha narakaysan ee Ramadaan ayaa waxa jira gobol ka tirsan Somaliya oo maanta dadku ayna soomin. Gobolada dhexe ee dalka gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb iyo nawaaxigeeda ayaa dadku ayna soomin maanta.


Masuuliyiinta ahlu suna ayaa iyagu sheegay in bisha shacbaan maanta 30 tahay oo aan xalay laga arag gobolka bisha soon sidaasna buuxinayaan shacbaan.


Maaha markii ugu horeysay ee maamulka ahlu sunna la soomin ama la ciidin Somalida inteeda kale. Waxana ku kalifaya ayagoo dawlada Somaliya ku eedaynaya inay raacayaan wahaabiyada Sucuudiga oo lagu tuhunsan yahay inay taageeraan argagixisada dhiigmiiratada shabaab ee kama aha Somali qilaaf.

C/llaahi Warmooge

ARAABIBEWS

admin:

This website uses cookies.