Gobolka Galguduud intiisa badan ayaa laga sooman yahay xilli dalkoo dhan maanta laga ciiday oo ay ku jirto gobolada Woqooyi ee dalka ee Somaliland.
Maamulka Ahlu sunna ee inta badan ka taliya gobolka Galgaduud ayaa isagu u sheegay dadkiisa in ayna ciid ahayn ee ay buuxiyanayaan sodonka maalmood.
Ahlu sunna ayayna arintan ka ahayn khilaaf ay khilaafayaan ummada Somaliyeed laakiin ay tahay mid ay ku diidan yihiin in Salafiyiinta/Wahaabiyada weerarka caamka ah ku soo qaadey Shaaficiyada ummada Somaliyeed haysato.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS