X

Golaha badbaado ee Jubbaland oo soo saaray liistada xildhibaanada iyo beelaha ay yihiin

Kadib markii Axmed Madfoobe soo saartey liisto uu leeyahay waxay yihiin liistada xildhibaanada ayaa golaha badbaado iyaguna soo saarteen liiska xildhibaanada ka qaybgalaya doorashada.


Liiskan ay soo saareen ee Xildhibaanada ah ayaa gaaraya 75 Xildhibaan, waxaana ka muuqda magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan. Liistadan ayaa waxa ku jira xubno dibed jooga oo Axmed Madoobe u diidey inay Kismaayo cagta soo geliyaan taas oo ka dhigeysa doorashada mid aan xor ahayn.


Tani waxay muujinaysa in doorasho kasta oo dhacda ayna noqon Karin mid xalaala maadaama dadkii maamuli lahaa Axmed Madoobe u gacan saydhey.

Dhinaca kale Axmed madoobe ayaa isna soo saaray liistadiisa ay hore u qaadaceen gudida badbaado iyo weliba odayaasha soo xuley barlamaankii hore.

Hadaba hoos ka fiiri liistada iyo qabiilooyinka. Fadlan tuuji sawirka si uu kuugu weynaado

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.