X

Golihii wasiirada ee Puntland oo kalsoonidii lagala noqdey

Golihii wasiirada ee Puntland ayaa kalsoonidii lagala noqdey. Talaabadan ayaa fursad siinaysa C/welli Gaas in uu soo xusho gole wasiir oo cusub oo isku dheelitiran.



Sida wararka hoose sheegayaan Mooshinka lagu ridey Xukuumadda waxaa sababey arrimo dhaqaale, inkasta oo Xildhibaanada Mooshinka wadey ay taas diideen, waxaase lawada og yahay habeen ka hor in ay shir la yeesheen Madaxweynaha iskuna khilaafeen arrimo ay kamid tahay dhaqaalaha Puntland ka heshey Imaaraadka.



Puntland waxay u qaysban tahay saddex hay’adood oo la doonaayo mid shaqeysa oo ah golaha fulinta mid ilaalisa oo ah golaha Wakiilada iyo mid caddaaladda ku kala saarta oo ah garsoorka. Awoodaha Xildhibaanada waxaa kamid ah in ay la xisaabtamaan golaha wasiirada iyo Madaxweynaha.

Shacabka Puntland ayaa ka quustey Xildhibaanada Golaha Wakiilada waxaana loo arkey niman dantooda keliya eegta taas oo ay isku dayayaan in ay maanta iska jaraan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.