Waxaan ognahay in milatariga Afrikaanka ee Koofurta dalka jooga ayna rabin inay si fudud dalka uga baxaan ayna u xuub siibteen sidii ay ku joogi lahaayeen.
Waxa baryahan dambe ciidanka xooga qaaday weeraro uu Lu baacsanayo dhiigmiiratada oo ayna Amisom u yeeran maadaama hubka calculus iyaga loo ogolyahay.
Weerar ay dhawaan ku qaadeen argagixisada gaar ahaan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ciidanku eryaday dhiigmiiratada waxayse galeen dhul kaymo ah, waxase ciidanku u baahday diyaaradi helikobtara si loo duqeeyo, waxase diidey Amisom inay keento.
Tani waxay muujinaysaa sida Amisom u rabin guusha ciidanka xooga oo marba marka ka dambeysa tayadiisu sii fiicnaaneyso.
“Amisom waxay ogtahay in waqtigeedii dhamaaday waxayse hadda u guntatey sidii ay u mijo-xaabin lahayd ciidanka xooga ayuu yiri Cali Calasow laakiin ku guulaysan mayso.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS