X

Guddi loo saaray aaska shahiid C/raxmaan Yariisow

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda  Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka kooban golaha wasiirrada oo ka shaqeynaya aaska Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo u geeriyooday qarax argagixiso maleegtay. Waxa dhaawaciisa lagula tacaalayay dalkiisa Qadar.


Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ku hadlaya magaca Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehelka uu ka baxay iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed.


Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in madaxweyne Maxamamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu amray in mudda sedax maalin ah calanka dalka hoos loo dhigo si baroor diiq iyo duco loogu sameeyo guddoomiyihii gobolka Banaadir shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)


Warbaahinta qaranka ayaa iyana laga joojiyay barnaamijyadii caadiga ahaa laguna billaabay in Qur’aan laga baahinayo arrintaas oo baroor diiqda qayb ka ah.

inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun.
C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.