X

Guddi loo xilsaaray xaqiiq raadin xad-beeneedka Kiiniya iyo Somaliya oo hadlay

Guddigii urur goboleedka IGAD u xil-saaray xaqiiq raadinta xad0-beeneedka Somaliya iyo Kiiniya ayaa soo saaray warbixin kooban. Guddigan ayaa dhawaanahanba ku gudda jirey xaqiiq raadinta xad-beeneedkaas.

Kiiniya ayaa bilowday garaacista dadka shacabka ah ee ku nool degmooyinka Balad-xaawo iyo Madheera, ayadoo dhinaca kale soo hubeynaysa maleeshiyo ay wadato.


Somaliya ayaa xiriirka u jartey Kiiniya markii ay deyn wayday farogelinta qaawan ee ay ku hayso siyaasada gudaha ee dalka. Somaliya ayaa iska dhaaftey ciidanka Kiiniya ee bugta ku joogta Kismaayo.

ā€¯Intii aan joogney magaalooyinka xad-beeneedka waxaan la kulanay ciidanka dawlada ee halkaas jooga, kuwa Afrika iyo kuwa Kiiniya ayuu yiri danjire Yaasiin Cilmi Buux.


Si kastaba ha ahaatee Kiiniya oo ogaatey in halis geli karo amnigeeda haddii ay faraha kala bixi arimaha gudaha ee dalka ayaa yaraysay dhaqdhaqaaqa maleeshiyadii ay taageeri jirtey.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.