X

Guddoomiye Cirro Oo Meel Ka Fadhiistay Magaalada Burco Iyo Nuxurka Su’aallo Hamuun Qaba Oo reer Burco La Boobeen

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaradka ah ee  Waddani  Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa Galabnimadii shalay  Dadwaynaha Reer Burco Kula Shaaheeyay Maqaaxiyo   ku Dhex Yaalla Gudaha Magaalada Burco.

Guddoomiyaha oo weli ku gudajiro safar uu muddooyinkii u dembeeyey ku marayay gobolka Togdheer iyo deegaannada hoos yimaada ayaa shalay lagu arkay isaga oo fadhiya isla markaana bulshada rayidka ah kula shaaheynaynaya makhaayado ku yaalla magaalladaasi kuwaas oo qaarkood lagu magacaabo naaneystiisa [Cirro].

Waxaana Gudoomiyuhu  uu  Dadwaynihii ku Sugnaa Goobahaasi  kula sheekaystay  halkaas oo ay dadku su’aalo kala duwan oo ay kamid ahaayeen siyaasadda xisbigiisu kutartamayo.
Goorta uu ka degayo kursiga shirguddoonka wakilllada, goorta uu xisbigiisu qabsanayo shirka golaha dhexe ee lagu dooranayo musharraxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka ee WADDANI iyo dabcan su’aal kale oo taas la xidhiidha oo ahayd sida loogu tartamayo jagooyinkaas iyo mawqifka uu ka aaminsan yahay in loollanka musharraxnimada ay xubnaha xisbigiisu ka qayb galaan.
Waxaana dhammaan suaalahaas uu Mr. Cirro  isaga oo dhoollacadaynaya ka bixiyey jawaabo mutaxan oo  laga dheehanayay  dareen ka duwan midka guud ee uu dadka tusayay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
admin:

This website uses cookies.