X

Gudiga doorashada oo war ka soo saaray sadex maamul goboleed oo xaqirey haweenka

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada Jubbaland , Puntland iyo Gal-mudug inay dib u eegis ku sameeyaan xubnaha ay usoo magacaabeen inay ugu tartamaan aqalka sare.

War-murtiyeed ay kasoo saareen Muqdisho Guddigu ayaa lagu sheegay in muddo labo casho ah db u eegis ku sameeyeen xubnaha aqalka sare ugu tartamaysa maamul goboleedyada.

Maamul goboleedyada ayey u sheegeen in xubnaha la magacaabay la waafajiyo war-murtiyeedkii Semtempar 6-14kii kasoo lagu gaaray in Haweenka soomaaliyeed baarlamaanka laga siiyo 30%.

Halkan ka Akhriso war-muriyeedka Guddigu soo saaray:

Hadalka guddiga doorashada heer Federaal ayaa yimi kadib markii Haweenka Maamul goboleedyada qaarkood cabasho ka muujiyeen habka loo soo xulay aqalka sare, iyagoo sheegay in aan la waafajin heshiiskii lagu gaaray Shirkii Madasha Muqdisho.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.