X

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo doortey hogaan cusub: SAWIRO

Gudiga doorashooyinka qaranka ee dhawaan la dhaariyay ayaa doortey hogaan cusub Una doortey haweenay. Marwo Xaliimo Ibrahim Xaliimo yarey oo hore u soo ahaan  jirtey gudoomiyihii farsamada maamul u samaynta Galmudug ayaa loo doortey gudoomiyaha. Waxa isna loo doortey gudoomiye Ku xigeen Siid Cali Sheekh Maxamud.

Doorashada xubnahan ayaa waxa goobjoob ka ayaa madaxda wasaarada qaar waxayna Ku dhacdey cod gacantaaga. “Waxaan diyaar u ahay in aan ku hogaamiyo guddigan si cadaalad ay ku jirto waxaana aan ballanqaadayaa inaan howsha la ii xilsaaray aan si cadaaladi ay ku jirto ugu shaqeeyo dalkeyga iyo dadkayga,” ayay tiri Xaliimo Yarey oo doorashada kadib ka hadashay munaasabadaas.

Guddiga doorashooyinka qaranka iyo guddiga madaxa banaan ee xuduudaha ayaa dhowaan waxaa ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaana guddiyadan ay bilaabeen howlo dar-dar leh maadaama xilliga lagu ballamay in dalka ay doorashooyin ka dhacaan lana dhamaystiro maamulada federaalka ay isa sii gurayso.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.