X

Gudigii dawladu u xilsaartey dilkii Beledweyne oo bilaabey hawsha

Kadib markii dil foolxun ka dhacay Beledweyne gaar ahaan degaanka Kalabaydh halkaas oo sarkaal booliisa lagu diley kuwo kalana la dhaawacay ayaa madaxweynaha Somaliya u saaray guddi xaqiiqo raadin ah si waajibkooda loo mariyo askariga gaystey.


Hadaba gudigaas ayaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada Beledweyne kadibna bilaabaan inay soo faqaan waxa dilka sababay. Waxa muuqata in shaqsiyaad is bidayo inay sharciga ka sareeyaan.

Shaqaaqada ka taagan Beledweyne ayaa bilaabantey markii madaxa maamulkaas Hirshabeelle uu shaqada ka eryay gudoomiyaha gobolka Yuusuf Dabageed oo ah qabqable dagaal.


Dhacdada Beledweyne ayaa muujinaysa in maamul jufeedyadu ayna awoodin inay fuliyaan kala dambeyn la isku halayn karo taas oo ka dhigeysa nidaamka ajaanibta ee federaak mid aan ku haboonayn dalka.

“Waxaan haynaa dadkui dilay, kaliya waxa noo dhiman in aan helno dadka faray inay falkaasi fuliyaan ayuu yiri Waare xilli taayiro lagu gubay magaalada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.