X

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo walaac ka muujiyay xaalada dad xero ku nool: SAWIRO

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa walaac ka muujiyay xaalada barakacayaasha. Guddoomiyuhu ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay maamulkiisa wax ka qabashada nolosha barakacayaasha, iyadoo xoogga la saari doono sidii ay ku heli lahaayeen gurmad ballaaran, maadaama dhowaan ay bilaabanayso bisha barakaysan ee Ramadan.



“Waxaa halkan ka jirta xaalad adag oo dhanka nolosha ah, dadkuna waxay u baahan yihiin gurmad ka ballaaran midka aan maanta gaarsiinay si wax looga qabto xaaladooda, Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii iyo dhibkii, balse maanta waxaan indhaheena ku aragnaa in weli gacan qabasho u baahan yihiin dadka nugul”.Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.