Gudoomiyaha guud ee beelaha Samaroon ee Ingiriiska xaaji Maxamed Xuseen Siciid ayaa tacsi u diraya qoyska iyo eheladii uu ka baxay Allaha u naxariistee Suldaan Cilmi Rooble Fuure (Cilmi Kabaal) oo ku geeriyooday isbitaal ku yaal Talyaaniga. Gudoomiyaha oo ka wakiila jaaliyada UK ayaa leh rabi janadii fardowsa haka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan.
Suldaan Cilmi Rooble Furre ayaa ka mid ahaa rug cadaayada reer Awdal ee ka soo qaybqatay halgano badan iyo nabadeyn badan wuxuuna korneyl booliis ahaa xilligii dawladii Somaliya inta ayna burburin. Wuxuu sidoo kale burburka kadib madax u noqdey ciidanka booliiska Somaliland.
ARAABINEWS