X

Gudoomiyaha Hiiraan oo u hanjabay hay’addo gargaar ku sheega

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu digniin adag u diray Hay’adaha samafal ku sheega ee ka howlgala deegaannada gobolka Hiiraan oo qayb ka ah barakicinta dadka.


Waxaa uu sheegay in Hay’adahaas ay mas’uul ka yihiin dadka ka barakacay magaalada Beledweyne sidoo kale ay yihiin kuwo dano gaar ah ka leh fatahaada Webiga.

Hay’adaha ka howlgalla Gobolka Hiiraan wax kama bixin kartaan deegaanka Ceeljaale, hay’adii wax ka bixisa maamulka tallaabo ayuu ka qaadayaa, tii dooneysa inay dadka u gurmato magalada cudurada ka jira iyo inay wadooyinka dhisaan haka qeyb qaataan laakiin wax kale maya ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.


Waxa maalmihi u dambeeyay jirey dad aan la garanayn waxa ay ka barakaceen maadaama xaalada fatahaada webigha ayna sidaas u xumeyn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.