X

Gudoomiyaha Muqdisho Muungaab oo ka qayliyay hay’ado Shiico ah oo Muqdisho faroba’as ku haya

Muqdisho–Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa qaylo dheer ka direy hay’ado Shiico ah oo faafiya fikirka Shiicada iyagoo si fiican uga faaiideysanaya haweenka iyo dhalinyarta gaajaysan ee aan haysan mustaqbal kale. Gudoomiye Muungaab oo shegay in ayt jiraan hay’ado faafiya fikirka Shiicada uuna u digey hay’adahaas oo lacag badan ka keena Iiraan.

“Dhamaan Umadda Soomaliyeed Waa Sunni, mana aqbleyno in Shiica timaado wadankeena, dhamaan hey’adaha Ammaanka Gobolka iyo Gudoomiyaasha degmooyinka, Dhalinyarada Iyo haweenka waxaa la farayaa inay ka Hortagaan soona qabtaan NGO -gii la gu arko, isagoo faafinaya fikirka shiicada”ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
Mr Muungaab ayaa xusay in dalka uu dhib ku hayo Argagixiso, isla markaana aanay shiico dooneyn.

“Xamar Aniga ayaa xukuma Shiicana ma aqbaleyno, waxaana dhib nagu haya Argagixiso Shiicana ma rabno”ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayuu Yiri Gudoomiyaha G/banaadir.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.