X

Gudoomiye C/raxmaan Ciro oo codsaday in berito laga shiro Muuse Biixi

Gudoomiyaha xisbiga Wadani ee ee maamulka Somaliland oo beeno badan ku qabtey Muuse Biixi ayaa codsaday berito in laga tashado wixii laga yeeli lahaa.

C/raxmaan Ciro ayaa u sheegay taagereyaashiisa magaalada Hargeysa inay berito oo Isniina  isku yimaadaan si loogu sheego arimo muhiima oo looga hortago Muuse Biixi.


Shalay ayay ahayd markii Muuse Biixi dafirey inuu jiro wax heshiisa oo sheegaya in guddigii doorashada ee la Kala direy dib loo magacaabo, wuxuuse ilaaway taloxumadiisa in guddigaa dadka Ku jira la diidey oo la keeno guddi cusub.


Waan fahmi karaa hadalka Craxmaan Ciro ee wadatashiga waayo marka caqli shaqayn waayo waa sidan oo kale oo Muuse Biixi waa aabaha muranka ayuu yiri Xuseen Warsame.


Waxase la isweydiin karaa waxa C/raxmaan Ciro iyo xisbigiisu Ku dhawaaqi doonaan ayagoo lugaha u taagi Kara maamulka tayada xun ee qabyaaladu hadhaysay ee Muuse Handaraab.

Maxamed Yusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.