Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab oo wareysi siisay Idaacad Ku taalla Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka hadashay Bayaankii kasoo baxay koox culimo ah oo sheegtay in ay Somali oo dhan matalaan.
Kooxdan culimo ee siyaasada ku dhex milmey ayaa axadii Todobaadkaan sheegeen inay Haweenka xil Siyaasadeed oo loo magacaabo aysan aheyn mid ay ku raali yihiin Hay’ada Culimada una arkaan mid Qoysaska Soomaaliyeed Burburin ku ah.
Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay inay Xaq u leeyihiin sida Ragga Soomaaliyeed ay u helaan Shaqooyinka iyo Mukeefka ay Haweenkana u baahan yihiin.
Gudoomiye Jawaahir waxay ugu baaqday Hay’ada Culimada Soomaaliyeed inay raali gelin deg dege ah ka bixiso Bayaankii ay dhawaan soo saartay oo Haweenka ka dhanka ahaa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS