Gudoomiyaha gobolka Awdal Ramaax ayaa qarxiyay si aan hore loo arag isagoo si toosa u sheegay in shacabka Hargeysa iyo Burco lagu wareeriyay been ah in ay dawlad yihiin laakiin xaqiiqdu ay tahay in ay yihiin mamul goboleed oo aan lagu sheegi Karin dawlad.
Mar uu la hadlayay saxaafada beesha dhexe ayuu aad uga caroodey wararka beenta ee ay qoraan, isagoo intaa ku daray in dadka ku dhintey deegaanka Jaamac Dubad ayna uga duwanayn Oromada.
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa xaqiiqda ka sheegay yirina ”ha sheeganina dawlad maamul goboleed baa tihiin la mida kuwa ka Jira Koofurta Somaliya.
“Warbaahinta Waxaan ku arkayey Qaar leh Dawlad Deegaanka Soomaalida itooboya ayaa Somaliland ku Sheegtay Maamul Goboleed Waa Runtood maamul Goboleed ayaynu nahay Qaran Ma nihin Dawlad ma nihin Waan ku Raacsanahay Arintaa, Saxaafada Somaliland waxaan leeyahay Caga Dhigta oo Daaya Killilka Shanaad.
Intaa ka dib Qaar ka mida Suxufuyiintii Madasha taagnaa ayaa Badhasaabka Su’aalo Waydiiyey Gudoomiye Miyaanad Badhasaabkii Gobolka Awdal ahayn markaad sidaa u hadalayso:
Jawaab. Waan Ahay Run Baan idiin Sheegayaa nin Dalkiisa iyo Dadkiisa ilaashanaya ayaa Afka La gelaysaan Waxaydaan ahayn ayaa is moodiin Wiilashiinan Suxufiyiinta Sheeganayaa
Suaal. Ma {Cabdi Maxamuud Cumar} Madaxweynaha DDSI ayaad ka baqaysaa oo safarada aad jigjiga ku tagto ayaad is leedahay way istaagi ileyn Qaranimadii waadigan dafiraye.
Jawaab .Anigu Haddaan Maanta Somaliland Madaxweyne ka ahay waan idin wada Xidhi lahaa HCTV in Laga Xidho Hawada Walaahay waan ku faraxsanahay Ninka Lehna Farxaan Col Baan la’ahay Weligiina In uu Hawada Ku Soo Noqdo Ma Jecli.
Suaal. HCTV Ma taagna Arinta Laga Hadlayaa Waa qarranimadii Somaliland iyo Muwaadin Reer Somaliland iyo Dadki Lagu Laayay Jaamac Dubad Waraaqda ma akhriday DDSI Qortay.
Jawaab. Horaan idinku Sheegay Ma nihin Qaran Dawladda oo madax bannaan Waxaynu Nahay Maamul Goboleed Sidaasaan aaminsanahay, Dadka Jaamac Dubad Lagu Laayey Waa’ayo Weriye Adigaan ku Waydiiyee {Weriyihii ayaa u jawaabay waa Itoobiyaan Hayb ahaana Waa ISAAQ} Anigu Ramaax ahaan Oromada kama jecli Dadkaa aad Sheegayso ee Lagu Laayey Jaamac Dubad Dawlad bay hoos joogaan aynu u dayno.
Hadaba xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa jawaab ka bixiyay Ramaaxna ku sheegay in uu isagu yahay OROMO (Hoos ka daawo)
Xigasho wargeyska Sahan
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay