Gudoomiyihii golaha maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa xilka laga tuurey kadib mooshin cod loogu qaaday Dhuusamareeb ayaa afhayeenka ay ka codeeyeen xildhibano gaaraya 146.
Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Xareed Cali Xareed ayaa warbaahinta goobjoog ka aheyd kulanka u sheegay in 146 xildhibaan ay u codeeyeen xilka qaadista guddoomiye Cali Gacal Casir, halka hal xildhibaan oo kaliya uu ka aamusay, sidaasina uu xilka ku waayay guddoomiye Cali Gacal.
Waxa si ku meel gaara xilka gudoomiyaha barlamaanka u sii hayn doona Xareed Cali Xareed ayay xildhibaanadu sheegeen. Gudoomiyaha ayaa shalay sheegay inuuna ictiraafsanayn xildhibaanadiisa.
Talaabadan ayaa imaanaysa kadib markii horjoogaha Galmudug Xaaf uu si shaqsiyana u sheegay inuu xiriirka u Jaray dawlada dhexe.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS