X

Gudoomiyihii hore ee golaha Puntland oo geeriyooday

Gudoomiyihii hore ee golaha Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi boosas kala duwana ka soo qabtey maamulkaas, kana mid ahaa aasaaseyaashii maamulka ayaa ku geeriyooday Garoowe. C/rashiid ayaa si weyn looga yaqaaney deegaanada Puntland maamusho.


C/rashiid ayaa muudo aan ka soo muuqan saaxada Puntland taas oo la sheefay in xanuun dartii uu uga maqnaa. Waxa goordhow lagu aasay magaalada Garoowe.


Maamulka Puntland ayaa tacsi u direy ehelada uu ka baxay C/rashiid oo isagu ka soo jeeday gobolka Mudug qaybta Puntland. Ehelada ayaa iyagu sheegay in xanuun kedis ah ku soo booday.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.