X

Gudoomiyihii la eryay ee gobolka Banaadir oo ka hadlay waxa sababay

Gudoomiyihii la eryay ee gobolka Banaadir ayaa ka hadlay waxa sababay in xilka laga qaado. Gudoomiyaha bedelkiisa ayaa loo magacaabay C/raxmaan Yariisow.



haabit ayaa marka hore sheegay inuu aqbalay xilka qaadistii xalay uu saakay ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.laahi Maxamed Farmaajo, si nabad ahna uu xilka u wareejiyo, uuna magacaabi doono guddi ka shaqeeya Munaasabadda xil wareejinta.



Wuxuu sheegay khilaafka beryahan taagnaa inuu ka dhashay laba arrimood oo kala ah xasiloonida iyo nabadgelyada Gobolka Banaadir iyo shirka wadatashiga Nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir oo looga hadli lahaa maqaamka Muqdisho.

Thaabit ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ugu hambalyeeyay xilka cusub, wuxuuna ku baaqay in xayiraadda laga qaado xarunta Aqalka Dowladda Hoose, isaga oo shacabka ka dalbaday inay ka shaqeeyaan nabadgelyada.



Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa xalay la wareegay ciidanka ilaalada Madaxtooyada, iyaga oo saakay in ay shaqo tagaan u diiday shaqaalaha Dowladda hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saakay xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa, wuxuuna magacaabay Guddoomiyaha cusub ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow iyo Afar ku xigeenadiisa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.