Gudoonka barlamaanka ayaa la kulmey RW xigeenka Turkiga. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa Ka qeyb galay Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) , guddiga saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya ee Golaha Shacabka Soomaaliya iyo guddig Arrimaha dibedda ee Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa Turkiga uga Mahadceliyey Taageeradda ay Shacabka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin gaar ahaan sidii ay inoogu soo gurmadeen Musabadii 14 October.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS