X

Gudoonka doorashada sanadka dambe oo doortey gudoomiye

Guddiga doorashada ee dawlada dhexe iyo maamul jufeedyada ayaa doortey hogaan iyo ku xigeenkiisa. Guddiga ayaa kulan ay yeesheen markii ugu horeysay waxay ku doorteen Maxamed Xasan (Maxamed Cirro) halka ku xigeena ay u doorteen Mowliid Mataan Salaad.


Gudoomiye Maxamed Cirro ayaa helay 17 cod halka ku xigeenkiisana lagu doortey 19 cod. Guddigan ayaa hore u hawlgashay, waxayna dhawaan ka warameen hawsha ay qabteen.

Guddiyadan iyagu doorashada keliya u qaabilsan ayaa waxa la sameeyay kadib markii heshiis wada galeen dawlada dhexe iyo maamul jufeedyada oo iyagu diidey guddiga madaxa banaan ee qaranka ee ay hogaamiso Xaliimo Yarey.


Doorashada ayaa la filayaa inay dhacdo sanadka dambe, waxase qas la daba taagan kooxda sheegata beesha caalamka oo dabada ka riixaysa shaqsiyaad hal jufo u badan oo hore u soo fashilmay.

C/llaagi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.