X

Guri Somaliland ugu magacownaa safaarad oo dab lagu qabadsiiyay Itoobiya

Guri Somaliland ugu magacownaa safaarad ayaa dab lagu qabadsiiyay Itoobiya. Wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya ayaa bartiisa faysbuug ku sheegay in dabka la damiyay.



Waayadan dambe waxa jirey colaad la abuurey oo u dhaxaysa Oromada iyo Somalida taasina loo malaynayo in lagu gubey gurigan. Oromo ku nooleyd Hargeysa ayaa dib ugu noqdey Itoobiya.



“Waxaa xalay saqdii dhexe dab la qabad siiyay dhisme wakiileed ee maamulka Soomaaliland ee magaalada Adis Ababa waxaana loo qabtay qof u dhashay Dalkaan oo la aaminsan yahay in uu ka danbeeyay” sidaas waxaa sheegay wakiilka Soomaaliland ee Dalka Itoobiya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.