X

Gurmadkii ugu horeeyay oo gaaray shacabka Mudug oo iska dulqaadaya heeryada argagixisada

Gurmadkii ugu horeeyay oo gaaray shacabka Mudug oo iska dulqaadaya heeryada argagixisada. Waxa baryahanba shacabka reer Mudug ee deegaanada Caad iyo Carmaara qoriga u qaateen inay argagixisada ka sifeeyaan dhulkooda.


Dadkan deegaanka ayaa u dulqaadan waayay amarada joogtada ah iyo baada argagixisada ka qaado dadka. Waxay ilaa hadda argagixisada ka dilaan ilaa 20 ka mida halka iyaga shan ruux ka shahiideen.


Diyaarad huba oo degdega ayaa laga direy Muqdisho laguna wareejay madaxa Galmudug taas oo shalay gelinkii dambe timi magaalada Dhuusamareeb. Waxa markiiba hubka lala gaaray dadka shacabka ah ee jihaadka la galay dhiigmiiratada shabaab.

Argagixisada ayaa iyagu markiiba helay gurmad taas oo u sahashey inay yimaadaan deegaanada cidlada ah ee ay dadka ku gumeysan jireen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.