X

Guuladarada Axmed Muumin Seed iyo faalada ku xeeran mase u wareegi doonaa Kulmiye markii lagu garaacay Wadani

Musharax Axmed Muumin Seed oo si xun looga garacay doorashadii xisbigiisa Wadani ee uu isagu mudada dheer ku jirey ayaa ugu baaqay taageereyaashiisa in ay wadatashi isugu yimaadaan.

Doorashadii mardhow la soo gabagabeeyay ayaa looga adkaadey codad aad u badan halka isagu helay kaliya 44 cod. Axmed Muumin Seed oo ku jirey xisbiga Wadani muddo dheer waxay ahayd in uu marhore diro musharax Maxamed Cali, wayse u noqon waydey.

Axmed Mumin Seed ayaa la filayaa in uu taageereyaashiisa oo hadda u badan Awdal maadaama uu beesha dhexe waxba ka waayay uu u leexiyo dhinaca xisbiga Kulmiye.

Dhinaca kale C/raxmaan Ciro ayaa ku farxaya musharaxa labaynaya oo aan ka dhicin C/raxmaan Saylici laakiin helay codadka beesha dhexe dhamaantood.

Waxase cadaatey in Axmed Muumin hore u waayay taageerada beesha dhexe oo hadda ay tahay in uu isagu is eedeeyo dibna u eego halka wax ka qaldameen.

Haddiise uu u wareego xisbiga Kulmiye waxa uu waayayaa kursigii wasiirnimo ee uu ka heli lahaa Wadani haddii ay guulaystaan, taas oo uu hadda niyada ku haynayo

Dhinaca kale Maxamed Cali ayaan la garanayn waxa uu soo kordhin karo, waxase doorashada labadan nin ka abuurtey Samaroonka dhexdiisa cuqdad aan hore u jirin oo la abuurey, inkastoo lagu kala baxay hadda oo taasi soo afjari doonto.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.