Xala Cabdullah waa hooyo Sucuudi ah oo guur u raadinaysa gabadheeda kuna tilmaantey dhaqanka guurka ee hadda ka socda Sucuudiga mid u dhow kan xoolaha. Gabdhaha ku nool carabta ayaa inta badan guur la’aan ku gaara da’da dhaafsan sodonka hadayna ka badneynba..mana jiraan cid guursata iyadoo ay ugu wacantahay dhaqano xanibaya oo yaraynaya fursadahooda.
Ragga Sucuudiga ayaa guursada haweenka Carabta kale ee xorta ah sida Siiriya, Masar, Jordan, iyo Lubnaan iyo eeshiyada kale taas oo hoos u dhigeysa guurkii gabdhaha Sucuudiga oo guriga ku xaniban.
Iyadoo ay taasi jirto ayaa waxa hadda soo baxay dhaqano cusub oo gabdhaha loo kala iibsanayo ama guur loogu helayo sida xoolaha haday guur ku helaanba kaas oo ah in la geeyo goob suuqa halkaana ay ku arkaan dhowr nin haday ka helaana teleefanada la kala qorto ama lagu meheriyo.
Xala Cabdullah ayaa iyadu qabta in dhaqankan ah in qoysasku isku arkaan meel dadkoo dhan arkayo halkaana lagu dhameeyo doonaanta waa dhaqan dugaag oo aad u xun waxayna sheegtay in ayna marnaba aqbalayn in ay gabadheeda sidaas ugu guuriso.
Haweenay kale oo lagu magacaabo Layla ayaa iyadna sheegtay in la aado meel dadkoo dhan arkayaan sida maqaaxiyaha, xadiiqadaha, suuqyada si loo arko gabadha kadib la iswaydaarsado teleefanada waa fikir qaldan oo ku wajahan ARAGA kaliya waxaan qabaa in aanu guur ahayn waayo ayay tiri guurku arag kaliya maaha.
Reema Sameer oo ah gabadh ku dhow sodonkii ayaa iyadna qabta in fikirkan ah in suuqyada laysku meheriyo uu yahay mid qaldan iyadoo aan laysba aqoon taas oo keentay in uu bato furiinka.
Waxase dad badan ka yaaban yihiin dhaqankan maqaaxiyaha iyo suuqyada la isku meherinayo oo hadda noqonaya mid joogta ah maadaama haween badan oo bilaa shaqo ah loo ogolaadey in ay shaqaystaan. Haweenay ayaa tiri waa laga yaabaa in aad guriga ka baxdo adoo KALIYA aanad ku soo noqoto adoo lagu soo meheriyay.
Soo akhrintii Rashiid Ceelaanyo (xigasho Saudi Gazzete)
ARAABINEWS.COM