X

Haad markii ugu horeysay ilmo yar ku cuney ismaamulka Somali Galbeed

Haad ama galaydh kolba sida Somalidu u taqaano ayaa ilmo caruura ku cuney deegaanka Gaashaamo ee ismaamulka Somali Galbeed. Haadkan ayaa la sheegay inuu ilmaha yar oo hal iyo bar ahaa uu samada u qaatey kadibna dhulka ku sii daayay.


”Wuxuu ka cuney wejiga, indhaha iyo beerka xilliga aan ku soo gaadhay ayay tidhi haweenay iyada lafteedu halis gashay oo haadku ka tegi waayay. Waa markii ugu horeysay oo haadku cuno qof nool deeganadaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ilmo kale oo ay wada socdeen ilmaha uu cuney oo isaguna 2 sanno iyo badh ahaa ayuu dhaawac u gaystey.


Waxay dalbadeen in si deg dega loo dilo haadkaas oo welli nool oo welli raadinaya dad kale oo uu cuno.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.