X

Hadaad maqli jirtey xashiishada ayaa laga dhoofiyaa Muqdisho fiirso beer dhan oo la fujiyay

Ciidaamada amaanka gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan maandooriye nooca xashiishka ah oo lagu dhex beeray kaam ku yaal degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Xashiiskaan oo lagu dhex beeray kaamka gudahiisa ayaa waxaa uu ahaa mid si qarsoodi ah looga ganacsan jiray, iyadoo gacanta lagu dhigay xashiiska oo diyaarsan iyo geedihii ka dhex baxayay kaamka oo la burburiyay.

Taliyaha booliska gobolka Banaadir Jen. Cali Xersi “Cali Gaab” oo howlgalkaan qeyb ka ahaa ayaa sheegay in aysan marna ogolaan doonin ganacsiga iyo beerida nooc walba oo maandooriyaha ka mid ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.