X

Hadaladii weynaa ee Suldaan Saleebaan ee saaka ama halkaa raac (kacdoonka) halagu maqlee oo durba dhaxalgal noqdey+MUUQAAL

Boorama–Hadaladii waaweynaa (great speeches) ee shalay uu jeediyay Suldaanka weyn Suldaan Saleebaan Cali ee ahaa ”saaka ama halkaa raac (kacdoonka) halagu maqlee oo qoriga qaado iyo anigu ma cabsoodo ayaa durba noqdey dhaxalgal. Hadalhaynta magaalada Boorama ee manta ayaa wali lagu gorfaynayaa wixii shalay ka dhacay hoolka shirka.

Waxa ka gariirey hadaladan wakiilka Siilaanyo ee gobolka Ramaax isagoo ku faraxsan qoqobka jira ayuu si kalsooniya miiska ugu garaacay odayada inta uu biilo waxase uu ogyahay in saacad looga saari karo magaalada.

Hadalka Suldaan Saleebaan Cali ayaa noqon doona mid baryo la xasuusto. Wuxuu xasuusiyay dadka in kan duurka galay iyo kan magaalada jooga ay saaran yihiin hal doon. DHAN U DHAC GADABUURSOW.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.