X

Haddii xoolo la qalqalo dawlad lagu bedeli karo imisa dawladood ayaan bedeli karnaa

Madaxweynaha Somaliya ayaa markale tanaasulkii ugu dambeeyay sameeyay kaas oo ah in markii ugu horeysay uu faraha ka qaado inuu wax ku yeesho saxiixa u dhexeeya isaga iyo kooxda beesha caalamka.


Kooxda beesha caalamka ayaa kolba waxa ka soo baxay hanjabaado ku aadan madaxweynaha si gaara laakiin ma aragno inay wax wara ka soo saaraan shuruudaha cusub ee ay soo saarayaan kuwa iyaga wataan.

Waxana kuu cad adigoo meelkale fiirin in dalkaan qaskiisa ay kow ka yihiin kooxda beesha caalamka ee ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo Ingiriiska oo iyaguna u hadla iinya iyo Carabta.


Su’aasha aad is weydiin karto ayaa ah imisa dawladood ayaan bedeli karnaa haddii jufo weliba geesi iska dhigto oo guryaha dabadooda oo lagu dhuunto dawlad lagu bedeli karo iyo xoolo loo qalo mooryaanta.


”Waa is qadarin iyo dawladnimo iyo sharci waxa lagu meel marayaa ee hadday noqoto in dawlad lagu bedeli karayo guryaha dabadooda oo lagu dhuunto, hadda kadib waxay noqonaysaa in dawladu waajibkeeda gudato bal hala arko cida la eryadee ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.