Tehraan–Madaxweynaha Iiraan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xasuuqa iyo fitnada uu Sucuudigu ka wado Yaman sheegayna haddii walaaltinimada Islaamka iyo isjeceylka la qadarin waayo oo lagu raaxaysto daadinta dhiiga caruurta waa waxay ka helaan Sucuudigu.
Dhinaca kale hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan Aayatullah ayaa sheegay in Sucuudigu aanu guul ka gaarayn dagaalka uu ku qaaday Yaman ee uu ku dilayo caruurta dadkiina ku qixiyay. Wuxuuna ku baaqay in uu joojiyo xasuuqa uu wado. Iiraan ma sheegin talaabada ay qaadi doonto.
Ilaa hadda fitnada Sucuudiga ee Salafiyiinta ee ay ka wadaan Yaman sidii iyagu rabeen ayay u socotaa..iyaga waxaan uga jeedaa waa Yuhuuda, Maraykanka oo iyaguna ku soo gabanaya Salafiyiinta Sucuudiga.
Duqeynta Sucuudiga oo Maraykanku siinayo goobaha ay duqeynayaan waxba ka tarimayso dagaalyahaniinta Xuutiyiinta waxase la sugayaa talaabada xigta ee ay qaadaan xulafada Yuhuuda, Maraykanka iyo Sucuudiga oo iyagu raba in ay kiciyaan Iiraan ugu yaraana diciifiyaan awooda isbahaysiga Yaman.
Waxa iyana qarsoon kaalinta Ruushka iyo Shiinaha oo iyagu ilaa hadda daawanaya inkastoo Ruushku keenay qaramada midoobey qaraar lagu furayo dhinaca bani aadamka oo tageersanaa Xuutiyiinta kamase aamusayo haddii Maraykanka iyo Yuhuudu si fiican lugaha ula galaan Yaman.
Sucuudiga ayaan wax talo ah hayn lacagtii saliidana ku khasaariyay inuu hub cusub ka soo iibsado Maraykanka…Sucuudigu awood uma laha in uu xataa iska dhiciyo Xuutiyiinta diciifka ee haysta kaarayaashii qaniyo kahor la isticmaali jiray waxayse sugayaan waanada ay siiyaan Yuhuuda iyo Maraykanka ee ku aadan haddii Xuutiyiinta Cadan ka sifeeyaan maleeshiyada Xaddi.
Iiraan waxay awood u leedahay in ay xidho badda weyn ee saliidu u marto Sucuudigu waana ta uu sugayo Maraykanka iyo Yuhuudu.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS