In ka badan hal milyan iyo badh Muslimiina ayaa maanta taagan buurta Carafa iyagoo ku gudajira waajibaadka Xajka oo sanadkan la filayay laba milyan. Xujaajta ayaa u soo dhaqaaqay dhinaca buurta Carafa iyadoo nin/haween waliba ku imanayo siyaabo kala duwan. Buurta Carafa ayaa muhiimad weyn u leh xujaajta oo haddii ayna tagin uu xajkoodu noqonayo waxba kama jiraan.
Waa buurtan Carafo halkuu rasuulkeena CSW uu ka akhriyay khudbadii ugu dambeysay waana buurtii lagu khadimay Quraanka.
Muslimiinta ayaa maanta sidii uu sameeyay rasuulkeenuna sameeyay ay wali u wadaan wadadaa saxda ah ee lagu gudanayo waajibaadka Xajka.
Axaadiis koox ah oo uuna ku jirin Bukhari iyo Tamriidhi ayaa wariyay in ay sunne tahay in la soomo maalinta Carafa waa dadka aan aadin Xajka.
Rabi ha inawada siiyo khayrka ay leedahay maalintani.
ARAABINEWS.COM