Halkee ku dambeeyay mooshinkii laga keenay carabta Berbera la wareegsaysa ee looga qaatey boqolaalka kun ee doolar ee lo bixiyay xaqul jeebka ayadoo dadka aan loo soo bandhigin waxa lagu heshiiyay iyo waxa la kala qaatey.
Kulanka ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga abaaraha oo golaha u sheegay in lacag ku dhow 2.5 Milyan oo doolar ay soo gaartay guddiga, iyadoo ay ku biireen 10 ka mida wasiirada iyo Ra’iisal wasaaraha.
Waxaa kaloo kulanka Baarlamaanka ee maanta lagu soo bandhigay guddi hoosaadyada uu yeelanayo Baarlamaanka oo laga dhigay 14 Guddi, kuwaasoo la dooran doono 10-ka bishan wixii ka danbeeya.
Kulankii maanta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa laga akhriyay Mooshinka looga horjeedo saldhigga milateri ee Imaaraadka Carabta ku yeelanayo Magaalada Berbera.
Mooshinka oo ay Baarlamaanka hor keeneen 20 xildhibaan, waxaa akhriyay xildhibaanada C/llaahi Sheekh Ismaciil iyo Daahir Amiin Jeesow, iyadoo guddoonka Baarlmaanka uu dib u dhigay ka doodista Mooshinka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS