X

Halkuu ku dambeeyay mashruucii wadada Boorama ilaa Saylac oo aad u muhiima

BOORAMA

Waxa maalinta beri ah jaamacada Camuud ee duleedka Boorama ka qalin jabin doona kumanaan arday ah oo ka baxaya kuliyadaha kala duwan ee sii fidaya ee jaamacadu bixiso. Ardayda ayaa iyaga ay u tahay maalin farxada inkastoo uu sugayo mustaqbal la mida kuwii iyaga ka horeeyay.


Mashruuca wadada Boorama ilaa Saylac oo ka mid ahaan lahaa mid shaqo abuur u sameeya ardayda ka baxaysa ayaan la garanayn halka uu ku dambeeyay mana jirto cid gobolka ah oo daba socota.

”Waxa wararka aan helayno ay sheegayaan in mashruucaas afka la qabtey oo loo sheegay cidii waday ee dawlada Somaliya ahayd inayan loo baahneyn hadda ee wadada Berbera keliya la rabo ayuu yiri Xuseen Warsame.


Ilo wareedyo aan helayno ayaa sheegaya in mashruucaas sanadkii ugu horeeyayba loo direy qolooyinka bangiga adunka inuu halis ku yahay amniga gobolka sida ay hadalka u dhigeena oo kan Berbera keliya amni yahay.


”Marka uu jiro mashruuc sidaas u weyn dadka mashruucani danta u yahay kama hadhaan, waxse muuqata in dadka mashruucani ku socda ay ka jecelyihiin inay is daawadaan ayuu raaciyay Xuseen Warsame oo aad u falanqeeya arimaha gobolkan iyo caalamkaba.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.