X

Haween kufsi ku eedeeyay caalimka caanka ah ee Taariq Ramadaan

Haweenay dharka madow ee jilbaabka ee ilaa wejiga qarsoon xiran jirtey ayaa kufsi ku eedaysay caalim caana oo lagu magacaabo Taariq Ramadaan. Dadka badankiisa ayaa aaminsan inay beentahay.

Booliiska Faransiiska ayaa eegaya in eeda naagahan soo jeediyeen run tahay ama sal leedahay. Labada dumara oo mid lagu magacaabo Hinda Ayari (Sawirka hoose) ayaa u sheegtay telefishan laga leeyahay Faransiiska inuu si xun u dhunkadey cunahana qabtey mar ay ugu tagtey Hoteel ayadoo rabta iney waydiiso su’aal diini ah.



Haweenayda kale ayaa ah mid hadda diinta ku soo noqotey ama waalidkeed gaalo ahaayeen. Hinda ayaa sidoo kale sheegtay inuu si xun u dhunkadey oo ay moodeyba iney naftu ka baxayso.



Hinda ayaa xiran jirtey jilbaabka madow ee ilaa wejiga qarsoon hadase waa naagaha u dooda haweenimada, waxayna hore u qortey buug ka hadlaya in nin kufsadey inkastoo ayna magacaabin.

Hinda ayaa leh wuxuu kufsigu dhacay sanadii 2012. Naagta kale ee eedaynaysa caalim Taariq Ramadaan ayaa iyadna sheegtay inuu ku kufsadey huteel sanadii 2009.



Caalim Taariq Ramadaan ayaa ka soo jeeda qoyska caalimkii weynaa ee aasaasay urur diimeedka akhwaan Muslimiin ee Xasan Al-bana. Taariq Ramadaan ayaa sheegay in uu maxkamad la fuuli doono naagahaas ceebta la damcay.

Lama garanayo in haweenka laga dambeeyo waxase la fiirin doontaa sida maxkamadu u dhacdo ayadoo la filayo inay socoto sanado.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.